1005 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Madaxweynaha Faransiiska

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Madaxweynaha Faransiiska
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 12, 2019–Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo gaaray dalka Faransiiska ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay Madaxweynaha dalkaas Emmanuel Macron.

 

Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka labada dal,horumarka ay Soomaaliya garatay iyo taageerada Faransiiska ee Soomaaliya.

 

 

 

Ra’iisul Ra’’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxweynaha Faransiiska waxaa uu uga mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Magaalada Paris.

 

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dalka Faransiiska waxa uu u tegay ka qeyb-galka shirka Nabada Paris oo looga hadlayo xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka,isaga oo u safri doona magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee midawga Yurub.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment