600 Views

RW Rooble oo la kulmay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta

RW Rooble oo la kulmay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta
____________________________________________________________________________

Sabti: May 21 2022

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Dowladda Isu tagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, isagoo Ra’iisul wasaare Rooble uga tacsiyeeyay geerida Allaha u maxariis madaxweynihii hore ee Imaaraadka Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal hambalyo iyo tacsi ah oo uu uga siday madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Dhankiisa madaxweyne Maxamed Bin Zayid ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay doorashadii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo in guud ahaan howshii doorashada dalku ku soo dhammaatay si nabad ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post