969 Views

Jubbaland oo bilaawdey qorsho looga hortagayo fatahaadaha wabiyada

Jubbaland oo bilaawdey qorsho looga hortagayo fatahaadaha wabiyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado     , March 31, 2020 —Wasaaradda Beeraha & Waraabka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa wadda qorshe ay ku xirayso kanaalada kasoo baxa webiga, si looga hortago fatahaadaha Wabiga Jubba oo horay deegaano dhowr ah uga fatahay.

 

Xubno ka socda Wasaaradda Beeraha Jubaland ayaa waxaa ay tageen degaannada Buulaguduud iyo Wirkoy,iyaga oo xirey ilaa Saddex goobood oo kamid ah faraha uu Wabiga Jubba uga fataho beeraha ku yaalla aagaas.

 

 

 

Qorashaha xeritaanka faraha uu Wabiga ka fataho ee Wasaaradda baeeraha Jubbaland ayaa yimid,kadib markii roobkii Guga uu ka curtay degaano ka tirsan Jubbaland,iyada oo Wabiga uu buux dhaafiyey,taasi oo keentay in laga cabsi qabo fatahaad uu Wabiga sameeyo.

 

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha Jubbaland Mahad Muxudiin Maxamed ayaa sheegay inay jiraan farooyin kale oo ay doonayaan inay xiraan si uusan wabiga u fatahin,isla markaana u waxyeeleen beero badan.

 

Guddoomiyaha deegaanka Wirkooy Cali Ibrahim Kitoow ayaa uga mahad celiyey Maamulka Jubbaland qorshaha lagu xiraayo farahada uu Wabiga ka fatahay,isaga oo sheegay in sanadkii hore laba tacab uu waxyeelo u geystay wabiga fahaad uu sameeyey.

 

Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa sanadkii hore waxaa ay sameeyeen fatahaad xoogan,waxaana fataahadaas waxyeelo kasoo gaartey Beero badan sidoo kalena ay ku barakaceen Kumanaan Ruux.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment