1197 Views

War deg deg ah: Qarax lagu weeraray goor dhawayd saldhig a deegaanka Biyo cadde ee gobolka shabeellada dhexe

War deg deg ah: Qarax lagu weeraray goor dhawayd saldhig a deegaanka Biyo cadde ee gobolka shabeellada dhexe
____________________________________________________________________________

June 18 2021

Waxaa Goor dhawayd gaari laga soo Buuxiyay Walxaha Qarxa lagu weeraray saldhig ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo cadde ee gobolka shabeellada dhexe.

Warar hor dhac ah ayaa sheegfaya in uu jiro  khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxa, iyadoona la soo werinayo in saraakiil ciidan ay ku dhaawacmeen weerarka.

Warar hor u dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Korneyl Saney Cabdulle uu ku dhaawacmay qaraxa lagu weeraray saldhigga ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee gobolka shabeellada dhexe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in afar askari ay ku geeriyoodeen qaraxa, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Kala soco Bogan wixii ku soo kordha arintaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post