675 Views

Rooble oo caawakulan kula qaatay Hotelka Jaziira, Musharixiinta, Bulshada Rayidka iyo Jeneraal indha cade

Rooble oo caawakulan kula qaatay Hotelka Jaziira, Musharixiinta, Bulshada Rayidka  iyo Jeneraal indha cade
____________________________________________________________________________

..

February  26, /2/ 2021

Waxaa caawa magaalada Muqdisho ka dhacay kulan aan la shaacin oo ay yeesheem Ra’iisul wasaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Musharixiinta, kulankaas oo caawa ka dhacay Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in  xubnaha uu kulankaas la leeshay Rooble uu ka mid aha Ra’iisul wasaarihii ka horeeyey Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, kuwaas oo ka maqnaa goobtii xalay lagu kala saxiixday heshiiska.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska R/wasaare Rooble ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho waqti kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu ka dhageystay aragtiyo ku aaddan xaaladda dalka.”

Sidoo kale kulanka oo aan horay loo sii shaacin ayaa ku soo aadaya iyadoo xalay ay Hotelka Decale ay heshiis ka kooban lix qodob ku kala saxiixdeen Rooble iyo midowga musharaxiinta.

Wararka ayaa sheegaya in Rooble uu halkaas kula kulmay Bulshada rayidka Qeybaheeda kala duwam.

Sida ku cad heshiiskii xalay raali gelintii Rooble kadib, waxaa ku xusan in xukuumaddu ay mucaaradka kala shaqeyneyso sidii banaanbaxooda ay ugu dhigan lahayeen si nabad ah, iyadoo ammaanka ay sugayaan ciidamada dowladda.

Raisal Wasaare Rooble Xubnaha uu ku arkay Hotelka waxaa ka mid ah Jeneraal indha cade oo maalmo ka hor sheegay in Dalka aysan ka Jirin wax Dowlad ah, balse uu Rooble sheegay in 2021 qof dhahaayo uu arkay meshan ayaan haysanaa oo uu ula jeeday Jeneraal indha cade.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post