675 Views

Ciidamada Dowladda oo Fashiliyay waxyaabaha Qarxa lagu soo saray

Ciidamada Dowladda oo Fashiliyay waxyaabaha Qarxa lagu soo saray
____________________________________________________________________________


Axad: January 23, 2022

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa khaarijiyay sida ay shegeen Horjoogihii Al-shabaab u qabaailsanaa magaalada guriceel ee gobolka Galguduud iyo Xubno kale oo lasocday kuwaasi oo  gaarayay lix Xubnood.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dooneysay Sida ay shegen Ciidanka Xoogga inay xalay gaari waxyaabaha qarxa ay ku soo rareen ku soo weeraraan magaalada guriceel ee gobolka Galguduud.

Ciidanka xoogga dalka ayaana sheegay in ay kawar heleen Gaarigaqsi ayna gacanta ku dhigeen gaarigii Surf-ka ahaa ee al-shabaab qaraxyada ka soo buuxiyeen iyo Jaakado Qaraxyo ah, waxeeyna Ciidanka Khaarijiyeen Horjoogihii u qaabilsanaa Al-shabaab magaalada gurigeel kaasi oo lagu magacaabo Daauud Shaambil, iyo laba Xubnood sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegayTaliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odowaa Yuusuf Raage.

Taliyaha ayaa xusay in ciidanka ay ku raad joogaan Sadaxdii kale ee baxsatay islamarkaasna gacanta ay ku soo dhigidoonaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post