738 Views

Wasiirka Caafimaadka oo goob joog ka ahayd munaasabad ay xilalka kula wareegayeen Agaasimayaal cusub

Wasiirka Caafimaadka oo goob joog ka ahayd munaasabad ay xilalka kula wareegayeen Agaasimayaal cusub
____________________________________________________________________________

Talaado: November 2, 2021

 Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Fawziya Abiikar Nuur ayaa maanta xilka u kala wareejisay saddex Agaasime Waaxeed oo loo magaacabay Agaasimyaal cusub, kuwaas oo muddadii lasoo dhaafay si kumeel gaar ah u sii ahaa Ku-simayaal Agaasime.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abiikar Nuur ayaa buuxisay boosas ka banaanaa Wasaaradda, kuwas oo kala ah Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda iyo Qorsheynta iyo Agaasimaha Waaxda Howlwadeenmada Caafimaadka (HRH).

Agaasimayaasha xilka wareejinayay maanta ayaa si iskood ah xilka u baneenyay iyagoo maanta xilka ku wareejiyay Agaasimayaasha cusub ee la magaacabay:

Mudane Cali Cabdiraxman Cusman:
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud

Mudane Cabdifataax Axmed Maxamed
Agaasimaha Waaxda Siyaasadda iyo Qorsheynta

Dr Maxamed Xuseen Calasow:
Agaasimaha Waaxda Howlwadeennada Caafimaadka (HRH).

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abiikar Nuur ayaa ugu dambeyntii u mahadcelisay Agaasimayaashii hore iyadoo kuwa cusubna ku boorisay inay xilkooda u gutaan si waafaqsan sharciga iyo nidaamka Wasaaradda u degsan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post