408 Views

Kenya oo 200 oo neef oo geel ah tababartay kuwaas oo ka qeyb qaadanaya Dagaalka Al-shabaab ee ka soo gudba xadka Somalia.

Kenya oo  200 oo neef oo geel ah tababartay kuwaas oo ka qeyb qaadanaya Dagaalka  Al-shabaab ee ka soo gudba xadka Somalia.
____________________________________________________________________________

Khamiis: LULY 21, 2022

Kenya ayaa ilaa 200 oo neef oo geel ah tababartay kuwaasoo loo aqoonsaday inay diyaar u yihiin howlgal rasmi ah oo ka dhan ah xoogaga Al-shabaab ee ka soo gudba xadka Somalia.

Geella ayaa la sheegay in loo tababaray miinooyinka iyo walxaha qarxa kaddibna ogaysiiyaan askariga la socda.

Dhowaan ayaa Geelan dhoollatus awoodooda lagu soo bandhigay waxaa lagu qabtay degmada Isiolo  markii Madaxwayne Uhuru Kenyatta uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inay jirto kooxda Camel Calvary Team, oo ah nooc cusub oo ka mid ah xayawaanka booliiska oo awal ahaa eeyo iyo fardo kaliya

Waxaa lagu tababaray Geellan meelo kala duwan oo kala joog sarreeya, sidoo kale dhulka qallalan ayaa lagu tababaray, si ay ula qabsadaan xaalad kasta oo soo wajahda

about:blank Cherengany Hills, Mombasa, Mandhera, Isiolo, Taita Taveta iyo Naivasha ayaa ka mid ah goobaha ay ka howlgeli doonaan Geellan sida ay saraakiishu sheegeen.

Sanadihii la soo dhaafay, waxaa meelo ka mid ah dalka Kenya ka dhacay weerarro loo adeegsaday walxaha qarxa, iyadoo ay Kenya uga dhinteen booliis ka badan ilaa 100 askari iyo shacab aan tiro laheyn, mana cadda waxa geellan la tababaray ay ka bedeli karaan qaraxyada soo laalaabta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post