1020 Views

Xildhibaan sheegay in Baarlamaanka galmudug yihiin maxaabiis

Xildhibaan sheegay in Baarlamaanka galmudug yihiin maxaabiis
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 16, 2020—Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa sheegay in Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug yihiin maxaabiis.

 

Waxaa uu sheegay in doorasahda Galmudug ay ka dhiman tahay waqti kooban,hayeeshee Baarlamaanka Galmudug loo diidan yahay inay dhageystaan aragtida musharixiinta si ay uga soo xushaan qofkii ay dooran lahaayeen,balse uusan sheegin cida ay maxbuuska u yihiin.

 

 

 

“Waxaan maqlayey in xildhibaannadii loo diidan yahay inay banbaxaan oo dhageystaan aragtida musharixiinta si ay uga kala qiyaastaan qofkii ay dooran lahaayeen,hadii ay rabaan xildhibaannada in la soo furto waan soo furaneynaa ayuu yiri” Xildhibaan Fiqi.

 

Hadalka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa waxaa uu daba socdaa qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka 2aad ee Galmudug loo diidey kaararka Aqoonsiga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment