2331 Views

QM oo sheegtay in Imaaraadka Carabta uu qal-qal geliyay siyaasadda Soomaaliya

QM oo sheegtay in Imaaraadka Carabta uu qal-qal geliyay siyaasadda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 13 November 2017  –  Warbixin aad u dheer oo kasoo baxday guddiga dabagalka cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saaran waxaa qeyb ahaan lagu soo hadal qaaday arrinta ku saabsan lug lahaansha ay siyaasadda Soomaaliya ku leeyihiin dawladaha qaar ee caalamka.

Warbixintaan waxaa lagu sheegay in dawlada Imaaraatka ay si weyn u gil gilshay siyaasadda Soomaaliya sanadkaan kadib markii lacag ay guddigu ku sheegeen mid laaluush ah siiyeen maamul goboleedyada dalka ka jira ee qeybta ka ah dawlada Federalka ah Soomaaliya si ay uga dhaadhiciyaan inay ka hor yimaadeen go’aankii ay dawlada Soomaaliya ka qaadatay khilaafka ka dhex jira dawladaha Khaliijka gaar ahaan Qatar iyo xulufadda Sacuudiga iyo Imaaraatku hormuudka u yihiin.

Guddigaan Q,M ka tirsan waxaa ay warbixintooda ku sheegeen in dawlada Imaaraatka ay madaxda maamul goboleedyada ay kulan u qabatay kadibna ay lacag ku siisay sidii wakiiladooda baarlamaanka Soomaaliya ku jira u carqaladayn lahaayeen go’aanka dhex dhexaadnimada ah ee dawlada Soomaaliya ka qaadatay arrinta khilaafka Khaliijka.

“Madaxda Imaataarku dadaal badan ayay galinayaan sidii ay dawlada Soomaaliya cadaadis loogu saari lahaa inay xiriirka u jarto Qatar oo iyaga la safato waxaana arrintaas Imaaraatku u marayaan maamul goboleedyada dalka ka jira” ayaa warbixintaan lagu yiri.

Guddiga warbixintaan diyaarshay waxay sidoo kale ka hadleen arrimaha la xariira uurada Al-Shabab iyo Daacish ee Soomaaliya ka Jira.

Mar ay qeyb ahaan soo hadal qaadeen meelaha Shabab dhaqaalaha ka helo waxay kusoo dareen lacagaha ay qaadaan ganacsatada Soomaaliyeed oo lagu tilmaamay mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee Shabab leeyahay.

In xarumaha ganacsi tan ugu yar laga qaado lacag dhan 10 Dollar tan ugu badana laga qaado 70 kun oo Dollar ayaa warbixintaan lagu sheegay . Guddiga dabagalka cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran waxaa lagu xusay in inkastoo dawlada.

Soomaaliya ganacsatada uga digtay inay Al-Shabab dhaqaale siiyaan haddana go’aankaas ma shaqeyn ayaa wrbixintaan lagu yiri. Mar arrinta Daacish laga hadlayna waxay guddigu sheegeen inuu jiro koror ay sameynayaan kooxda Daacish tusaale ahaan sanadkii hore waxay aad uga kordheen tiradda hadda ku jirta dagaalamayaasha Daacish ee Soomaaliya jooga taasoo qeyb ka ah walaaca amaan ee hadda dalku wajahayo.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment