729 Views

Ethiopia oo uga digtay Tunisia faragelin ay ku samayso biya xireen webiga Nil.

Ethiopia oo uga digtay Tunisia faragelin ay ku samayso biya xireen webiga Nil.
____________________________________________________________________________


khamiis: September 16, 2021

Wasaaradda arimaha dibadda dalka Ethiopia ayaa sheegtay inay khalad taariiqda gashay ay ku noqon doonto dowladda Tunisia inay Golaha amaanka ay ka dalbato in wadamada uu muran ka udhaxeeyo ee Sudan, Ethiopia iyo Masar ee webiga Nil la xiriira ay dib wada hadalka ugu laabtaan.


Wasaarada ayaa sheegtay inay si kulul u cambaareenayso hadalka Tunisia kasoo yeeray ayna shaqo ku lahayn arimaha gudaha Ethiopia

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedduu Andaargaaschew ayaa dhawaan sheegay iney jirin isticmaalka biyaha wabiga Nile Itoobiya cid ka hor istaagi karto.

“Biyaha Wabiga Nile waa la xakameeyey oo biyo-xireenka ayaa biyihi qabanaya, wabigina wuxuu hadda iisu beddelay haro aad u weyn, biyaha wabigana qulqulkiisa wuu sii wadayaa Itoobiyana harada biyaha wabiga ka sameysantay ayey sideey doonto u isticmaaleysaa” ayuu yiri.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay Itoobiya sheegtay biyihi looga talagalay in biyo-xireenka lagu keydiyo sanadka ugu horreeya in si buuxda looga guuleystay.

 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post