1311 Views

Shirkii G7 oo laga sheegay in abaar xun ay ka jirto Gobolka Tigray ee Itobiya.

Shirkii  G7 oo laga sheegay in abaar xun ay ka jirto  Gobolka Tigray  ee Itobiya.
____________________________________________________________________________

June 11 2021

“Abaar ayaa hadda ka jirta Tigray.” Sarkaalka ugu sarreeya aduunka ee arimaha samafalka, isku duwaha gargaarka deg deg ah ee qaramada midoobay Mark Lowcock, yaa yidhi weedhahan xaqiiqda ah ee ku saabsan xaaladda gobolka waqooyiga Itoobiya, maalintii khamiista.

Hadalkiisa oo uu ka yidhi – falanqayn ku saabsanayd shirka G7 – wuxuu ku soo qaatay qiimeynta awoodda leh ee dhibaatada oo ay soo saartay waaxda qaabbilsan hubinta iyo sugnaanta cuntada ee ay taageerto Qaramada Midoobay ee (IPC).

Warbixintan, waxaa lagu qiyaasay in 353,000 oo qof oo Tigray ah ay ku jiraan wajiga 5 (masiibo) halka 1.769 milyan oo dheeri ah ay kujiraan wajiga 4 (xaalad deg deg ah).Taasi waa qaab farsamo oo loo dhaho “macaluul”. IPC ma isticmaalin ereygaas maxaa yeelay siyaasiyan waa erey xasaasi ah – dowladda Itoobiya ayaana diidi doonta.

Habka arxanka daran ee loo dhinto

Tirooyinkan waxaa ka dambeeya masiibo bani’aadamnimo oo aadd u daran. Waxaana jira tiro badan oo dhimasho ah oo ay saamaysay macaluushaas lama huraanka ku ahayd.

Tigreegu waxay sheegaan tuulooyinka fogfog in subxaha qaar dad maydkood laga helo, iyagoo dhintay habeenkii. Haweenka ay afduubeen askartu ee loo haysto addoommo loo galmoodo, oo lagu daryeelay isbitaallada ama guryaha aaminka ah, ayaa waxaa silciya carruurta ay kala fogaadeen, kuwaas oo dhiman lahaa haddaan waalidkood daryeelin, kii oo awelba aan naf saasi ku jirin.

macaluushu waa hab arxan darro ah oo loo dhinto, maadaama jirka nafaqo-darradu haleeshay uu quuto xubnihiisa si loo helo tamar ku filan oo lagu ilaaliyo noolaanshenimadiisa.

Kuwii ugu hor dhintaa waa carruurta yaryar – sida caadiga ah saddex-meelood laba meel kuwa u dhinta macaluushuna waa iyaga. Iyada oo ku saleysan tirada laga faafiyey Tigreega, waa wax macquul ah in laga cabsado dhimashada 300,000 oo carruur ah.

Sida laga soo xigtay Atlas Humanitarian Atlas oo ay daabaceen cilmi baarayaal ka socda Jaamacada Belgum ee dalka Beljamka, dadka lixda milyan ee reer Tigray ah:

Dawladdu waxay sheegaysaa inay jiraan oo kaliya “hadhaaga” iska caabinta falaagada Tigreega waxayna balanqaaday inay dhawaan si buuxda gacanta ugu qaban doonto.

UN waxay saadaalisay in xaaladdu ka sii dari doonto – su’aashu waxay tahay intee in le’eg iyo dhakhso ah.

Warbixinta IPC waxaa kujira xariiqda ah “warbixintan ma aysan aqbalin Dowlada Itoobiya”.

Taasi waa digniin.

Maamulka Itoobiya waxay u badan tahay inay ka murmi doonaan digniinta “macaluusha”, iyaga oo u raadinaya marmarsiinyo kale.

Maamulaha USAid Samantha Power ayaa qaylodhaantan waxa ay ugu yeedhay “isku dayga hubnti laanta ee ay waddo dowladda Itoobiya”.

Shaqaalaha bani’aadamnimada ayaa ka walwalsan xaaladda.

Xilligan oo roobabkii xagaagu ka da’ayaan Tigray, waxay aahyd dadka beeralayda in ay ku mashquulsanaadaan habkii wax beerashada, laakiin xaalku sidaa ma ahan.

Boobka gargaarka

Dagaalku wuxuu carqaladeeyay adeegyadii aasaasiga ahaa, wuxuu xidhay bangiyadii, wuxuuna joojiyay nidaamkii ugu weynaa ee waxqabadka dowladda ee deg degga ahaa – oo lagu magacaabi jirey “barnaamijka wax soo saar ee badbaadada “.

Qeybihii ugu wax soo saarka badnaa ee Tigray waxaa ku sugnaa xoogag ka socda gobolka Axmaarada ee dariska la ah, iyagoo u diiday Tigreega beerahoodii sidoo kale waxay xdhreen fursadihii shaqo ee ugu waaweynaa.

2px presentational grey line

.

Ciidamada Eriteriya ee ku soo biiray dagaalka ayaa lagu eedeeyay dhac baahsan oo ay weheliyaan ciidamada itoobiya iyagoo gubaya dalagyada, baabi’inaya xarumo caafimaad, kana hor istaagay beeralayda inay falaan dhulkooda.

UN-ku waxay qiyaaseen in 22,000 oo ka badbaaday kufsi ay u baahan doonaan taageero. Cabsida rabshada galmada waxay ka dhigan tahay in haweenka iyo gabdhaha ay dhuumashada ku sii jiraan, oo aysan awoodin inay cunto raadsadaan.

Hay’adaha bani’aadamnimada way ka gaabiyeen wax ka qabashadooda, waxaana hor istaagay nabadgelyo darrada iyo caqabado badan oo xagga maamulka ah oo ay hordhigeen mas’uuliyiinta Itoobiya. Si loogu shaqeeyo xaalad sidan oo kale ah, shaqaalaha gargaarka waxay u baahan yihiin qalab isgaarsiineed.

Qaramada Midoobay waxay si rasmi ah u sheeganeysaa in qeybinta gargaarka ay gaareen 2.8 milyan oo qof. Si gaar ah, shaqaalaha bani’aadamnimadu waxay ku sifeeyeen wax aan sidaa u badnayn

Qaar badan oo kuwaa ka mid ah waxay heleen hal raashin oo loo qaybiyey, laga yaabee 30kg oo bur ah – oo ku filan in qoys lagu quudiyo 10 maalmood. Kuwa nasiibka leh waxay heleen laba meelood.

Waxaana jira warar isdaba joog ah oo sheegaya in gargaarka lagu soo raro gawadhrida xamuulka ah ay ay dhacaan ciidamadu. Qaar ka mid ah dadka tuulada ayaa soo sheegaya in ciidamada Eriteriya ay yimaaddaan isla marka la qaybiyo gargaarka ayna qaataan raashinka.

Qiyaasta madaxbannaan ayaa ah in kaliya 13% ka mid ah 5.2 milyan oo qof oo u baahan gargaar ay helayaan.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post