1053 Views

Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo lagu rasaaseeyay duleedka Muqdisho

Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo lagu rasaaseeyay duleedka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 18, 2020—Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa rasaas ku furay Gaari ay dad shacab ah saarnaayeen oo marayay Degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho.

 

Gaariga ayaa la sheegay in uu siday dad Shacab ah,islamarkaana uu kusoo jeedday Muqdisho, waxaana la sheegay in uu iskudayay in uu ka baxsado goob Lacago lagu qaado.

 

 

 

Todobo  ruux oo saddex ka mid ah ay Haween ahaayeen ayaa ku dhawacmay rasaasta ay fureen Ciidanka.

 

Dadkii dhaawacmay ayaa loo soo qaaday, isbitaallada Muqdisho.

 

Ilaa iyo hadda si rasmi looma ogga sababta rasmiga ee ka dambeysay ee in Ciidanka dowladda ay gaarigaasi rasaas ku furaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment