462 Views

Al-Shabaab oo lawareegay Degaan hoos yimaado Magaaladda Baxdo

Al-Shabaab oo lawareegay Degaan hoos yimaado Magaaladda Baxdo
____________________________________________________________________________

.


Axad: January 16, 2022

Wararka ka imaanaya Gobolka galgaduud ee bartamaha dalka ay tibaaxayo in xubno ka tirsan Al-shabab ay la wareegeen deegaanka Maarso-Muunge ee Magaaladda Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegaya in ay arkayeen xubno ka tirsan Al-shabab oo aad u hubaysan oo gudaha usii gelaya tuulada Maarso-Muunge.

Dadka ayaa sidoo kale kusoo waramay in uusan halkaasi ka dhicin wax iska hor’imaad ah, oo Al-Shabaab dagaal la’aan  kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Maarso-Muunge ee u dhaxeeya deegaanada Baxdo iyo Xinllabi.

Deegaanka ay lawaregeen Al-Shabaab  ee Marso Muunge ayaa qiyaastii 30Km ujira deegaanka Baxdo, waxaana marta waddo isku xirta Mudug iyo Galguduud, isbuucii hore ayay aheyd markii ay dagaallo culus ka dhaceen deegaanka Cadakibir ee hoostaga degmada Cadaado

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post