924 Views

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu laabtay Jowhar

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu laabtay Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqisho |QOLIsniin : December 13, 2021—Madaxweynaha Dowlad Goboleedkw Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimada  Hirshabeelle kadib safar uu ku joogay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo safarkiisa ay ku wehliyeen Wasiiro xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere kusoo dhoweeyay Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka ahna kusimaha Gudoomiyaha  Mahad Xasan Cusmaan Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidamada Hay’addaha Amniga, Boqolaal dadweyne ah iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa intii kuu sugnaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka la qaatay Madax katirsan dowladda, Mucaaradka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Xafiiska Qaranimo Online |Mogdishu

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post