678 Views

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
____________________________________________________________________________

Talaado: February 22, 2022

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Biixi Cabdi iyo weftigii Uu Hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay dalka Jabbuuti, ayaa waxa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada madaxweyne, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah
fududaynta isu-socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada shacbi, ee walaalaha .

Waxaana kulankaa ku wehelinaayey madaxweyneyaasha dhinaca Weftiga Somaliland wasiirrada Arrimaha Gudaha,  Maxamed Kaahin Axmed, Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanka, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Dhinaca Jamhuuriyadda Jabbuutina waxa ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Siciid Nuux Xasan, wasiirka Ganacsiga Mudane Maxamed Warsame Diiriye, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Isgaadhsiinta, Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Almis Maxamed Cabdilaahi.

Wafdiga uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland ayaa maalmaha Soo aadan ku sugnaan doona Dalka Jabbuuti, iyagoo kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda dalkaasi Jabuuti.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post