825 Views

Duqa Muqdisho oo guddoomiyey Shir looga hadlayay Amniga

Duqa Muqdisho oo guddoomiyey Shir looga hadlayay Amniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 06, 2019––Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)  ahna Duqa Muqdisho ayaa Shir gudoomiyay Shirkii isbuuclaha ahaa ee Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlay Arrimo dhowr ah.

 

Shirka ayaa todobadkan waxaa looga hadlay Arrimo ay kamid ahaayeen dar dar gelinta Gurmadka fatahaadaha Beledweyne, xaalada amniga, sara u qaadista Nadaafada iyo bilicda Caasimadda.

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka waxaa uu faray inay dardar geliyaan Shaqooyinkooda iyo sidii Bulshada u heli lahaayeen Adeegyadooda.

 

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa Duqa Muqdisho waxaa ay Warbixinio ka siiyeen xaalada degmooyinka Gobolkan Banaadir iyo howlaha u qabsoomay todobaadkaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment