291 Views

Qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay caasimadda Ukraine

Qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay caasimadda Ukraine
____________________________________________________________________________


Isniin: October 9, 2022

Wararka ka imaanaya dalka Ukraine waxay sheegayaan in qaraxyo dhowr ah laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha ka dhacay Kyiv saaka, sida ay sheegtay waaxda gurmadka deg dega ah ee Ukraine.

Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay qiiq cirka isku shareerayo oo kasoo baxyo dhismayaal ku yaalla Kyiv.

Duqeymahan loo geystay Kyiv labo maalin uun kadib markii uu qarax burburiyay buundadii isku xireysay gobolka Crimea iyo dalka Ruushka.

Shaley madaxweyne Vladimir Putin wuxuu ku eedeeyay in sirdoonka Ukraine inay sameeyeen waxa uu ku tilmaamay fal argagixiso.

Waxaa lagu wadaa in manta uu hoggaamiyo shirka Golaha Ammaanka si looga hadlo qaraxa ka dhacay buundada.

Saraakiisha Ukraine waxay sheegeen in tiro dad ah ay ku dhaawacmeen gantaallo xaley lagu garaacay magaalada Zaporizhzhia.

\

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post