687 Views

Muuse Biixi oo u hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Muuse Biixi oo u hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Muuse Biixi oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 31 sano guuradii kasoo wareegtay markii Somaliland sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa ugu baaqay Soomaaliya in ay ixtiraamto qaddiyada madax-bannaanida Somaliland.

“Madaxweynaha doorashadiisa nabadda ku dhacday iyo labada madaxweyne ee gacanta isu dhiibay aad iyo aad baan usoo dhaweyneynaa..inaguna in aan kala nabadgalno oo aan isu duceyno baan idiin ka dooneynaa kii hore iyo kan dambaba” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa uu siweyn uga soo horjeeday dowladda uu hoggaamibayay Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post