783 Views

Qorshaha biyo xireennada lagu dhisayo ee aan wadnay waxaa ka weyn joojinta daadadka fatahaadda” Wasiir ku xigeenka Beeraha Hir-Shabeelle.

Qorshaha biyo xireennada lagu dhisayo ee aan wadnay waxaa ka weyn joojinta daadadka fatahaadda” Wasiir ku xigeenka Beeraha Hir-Shabeelle.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 28-2020–Wasiir ku xigeenka Wasaaradaha Beeraha DG Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqarre oo la hadlay Mustaqbal waxa uu sheegay in qorsho ay isla wadaan Hay’ado iyo dowlado kala duwan oo lagu hirgelinayo Biyo xireeno laga hormarinayo joojinta fatahaadda.

Sababta go’aankaas ay u qaateen waxa uu ku sheegay in ay badbaadinayaan dadka ka barakacay deegaannada fatahaadda Wabiga saameynta taban ku yeeshay, halka meelaha qaar ay ku go’doomeen qoysas.

Daqarre ayaa tilmaamay in cabsida fatahaadda Wabiga ay saadaalinayeen bisha tobanaad ee Oktoobar, balse waqtiga uu alle qadaray uu kasoo hormaray saadaalintooda, wabigana uu ku fatahay Degmooyin, deegaanno iyo duulooyin dhowr ah oo uu dhexmaro.

“Ku talagalkeenu waxa uu ahaa in aan si degdeg ah ugu howlgalno afar goobood oo biyo xireenno laga sameynayo si saadaalinta daadadka bisha Oktoobar looga hortago, balse waqti ka dhaw ayuu fatahaadda Wabiga sameeyay, waxaana xoog isugu geyneenaa xiritaanka biyaha fatahaya” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Beeraha Hir-Shabeelle.

Maxamed Bashiir Qaasim Daqarre Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Hir-Shabeelle Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Carro buuxin meelaha biyaha Wabiga fatahaadda uu ka sameynayo, sidoo kale waxaa socda qorshe meelo lagu kala yareynayo biyaha xad dhaafka ah ee Wabiga oo sabab u noqday in uu karkaarada jabsado”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradaha Beeraha DG Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqarre ayaa uga xog-waramay Mustaqbal dadaalada lagu gacan-qabanayo dadka ka barakacay deegaannada daadadka gaaray.

Waxa uu xusay in labada howl ee biyo xiritaanka iyo u gurmashada qoysaska in ay isku dhex wadaan, shacabka iyo cid waliba oo caawinaad u sameyn karta dadkaan ayuu cod dheer ku gaarsiiyay in ay wax u taraan, halka qoysaska dhibku gaaray uu ugu baaqay in ay ku sabraan qadarka alle, isla markaana ay muujiyaan midnimo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post