222 Views

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo saaka qarax Ismiidaamin ah ku Weeraray xero ay ciidamadda dowladda iyo kuwa Macwuualeyda ku lahaayeen degmada Halgan.

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo saaka qarax Ismiidaamin ah ku Weeraray xero ay ciidamadda dowladda iyo kuwa Macwuualeyda ku lahaayeen degmada Halgan.
____________________________________________________________________________

.

Isniin:  January 16 2023

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka qarax Ismiidaamin aaa lagu weraray xero ay ciidamadda dowladda iyo kuwa Macwuualeyda ku lahaayeen degmada Halgan.

Weerarkan waxaa fuliyay qof Ismiidaamiye ah oo watay gaari, iyadoo jugta qaraxa si weyn looga maqlay xaafadaha degmadaasi.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya inuu jiro khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo waxyeelada ugu badan ay gaartay ciidamada Huwanta ah ee la beegsaday.

Sawirran laga soo qaaday halka weerarka uu ka dhacay ayaa muujinaya burbur culus oo gaaray dhismayaal ku yaalay degmada Halgan, iyadoo dhismayaasha hoostooda laga raadinayo dad lagu la’yahay weerarkaasi.

Qaraxan ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii saddex qarax oo Ismiidaamin ahaa ay ka kala dhaceen degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-burde, kuwaasoo sababay khasaare dhimasho oo ka badan 30 ruux.

Kooxda Shabaab ayaa dagaalkeeda kusoo koobtay qaraxyo kadib markii looga itaal roonaaday dagaalkii fool ka foolka ahaa, ciidamadda dowladda ayaa iyaguna wax cashir ah ka qaadan qaraxyada is-daba joiga ah ee kooxdaasi.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post