930 Views

Mareykanka iyo Qaramada Midoobay oo si adag u cambaareeyay go’aankii Itoobiya

Mareykanka iyo Qaramada Midoobay oo si adag u cambaareeyay go’aankii Itoobiya
____________________________________________________________________________

Jimco: October 1, 2021

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay inuu aad ula yaabay go’aanka dowladda Itoobiya ee ah inay dalkeeda ka ceyriso toddobo saraakiil sarsare ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Guterres oo cambaareeyay tallaabadan ayaa sheegay inay ku soo aadeyso laba maalmood kadib markii madaxa gargaarka Qaramada Midoobay Martin Griffith uu sheegay in boqolaal kun oo qof oo ku nool gobolka Waqooyi ee Tigray ay u badan tahay in macluuli ay soo foodsaarto.


Aqalka Cad iyo wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale cambaareeyay tallaabada ay qaadday dowladda Itoobiya.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa go’aanka Itoobiya ay ku erisay toddoba sarkaal oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo shaqadoodu ay muhiim u tahay gargaarka bani’aadamnimada. Maraykanku wuxuu ku baaqayaa in go’aankan la noqdo. Kama labalabeyn doonno inaan si adag uga jawaabno tallaabadan” ayuu yiri Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken.

Toddoba sarkaal, oo ay ku jiraan madaxa UNICEF iyo madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada ayaa la siiyay 72 saacadood inay dalka uga baxaan, kaddib markii xukuumadda Itoobiyada ay sheegtay inay “faragelin” ku sameeyeen arrimaha gudaha ee dalkeeda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post