465 Views

Dowladda Denmark oo ciidamo u dirtay dalka Mali

Dowladda Denmark oo ciidamo u dirtay dalka Mali
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 19, 2022

Wasaaradda Difaaca Denmark ayaa ku dhawaaqday in guuto ka kooban ilaa 100 askari oo Danish ah ay gaareen dalka Mali si ay ugu biiraan ciidamada gaarka ah ee reer Yurub ee ka taageeraya ciidamada Mali dagaalka kooxaha argagexisada.

“Ujeedka ayaa ah in la xasiliyo Mali iyo qaybo ka mid ah saddex-xagalka xudduudaha ee u dhexeeya Mali, Niger iyo Burkina Faso, iyo in la hubiyo in dadka rayidka ah laga ilaaliyo kooxaha argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay militariga Denmark.


Ciidamada Danishka, oo howlgalkooda lagu dhawaaqay bishii Abriil, oo ay ku jiraan 90 nin, oo u badan ciidamo sare iyo dhakhaatiir qalliin oo militari ah, ayaa ku sugan Menaka. Howlgalkaan ayaa la qorsheeyay inuu dhammaado horraanta 2023.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post