2313 Views

Xarunta Degmada Howlwadaag oo dib loo dhisayo

Xarunta Degmada Howlwadaag oo dib loo dhisayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Feberaayo 5,  2019 – Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Howlwadaag oo kooxaha argagixisadu ay la beegsadeen Qarax.

Guddoomiye Xuseen ayaa sheegay in kooxaha argagixisadu aysan marnaba ka weecin karin bulshada Caasimadda jidka horumarka iyo dib-u-dhiska, isagoo xusay in xarunta degmada Howlwadaag ay dib u bilaabi doonto adeegyadii ay shacabka u haysay.

Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada ku nool degmada Howlwadaag in ay kaalintooda ka qaateen dib u dhiska xarunta degmada.

“Waxaan u sheegaynaa kooxaha argagixisada ee beegsanaya xarumaha danta guud iyo goobaha ay shacabka iskugu yimaadaan in marnaba aysan naga weecin doonin jidka horumarka iyo in Caasimaddu ay dib ugu soo noqoto bilicdii lagu yaqaanay”.

Sidoo kale Maamulka Degmada Howlwadaag ayaa sheegay in ay ka go’an tahay gaarsiinta shacabka deegaanka adeegyadii kala duwanaa ee laga heli jiray degmada, isla markaana xarunta loo dhisi doono qaab casri ah.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment