1092 Views

Ganactada xaafadda Islii oo dhisaya Xarun booliis oo ku taalla xaafaddaas

Ganactada xaafadda Islii oo dhisaya Xarun  booliis oo ku taalla xaafaddaas
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 30 2021

Ganactada xaafadda Islii ee Soomaalidu ay u badan tahay ee magaalada Nairobi, ayaa sheegay in ay ballaarinayaan dhismaha xarun booliis oo ku taalla xaafaddaas, si ay uga qayb qaataan ammaanka xaafadda.

Ganacsatadan ayaa sheegay in ay gacan siinayaan ciidamada ammaanka, si loo horumariyo amniga xaafadda.

Cumar Ibraahim Xuseen, oo ah xoghayaha guud ee guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee xaafadda Islii, ayaa BBC-da u sheegay in arintan oo ay muddo ka fekeraayeen, ay uga gol leeyihiin in maadaama ay xaafadda ku sii badanayaan ganacsiyada Soomaalida, amni badanna loo baahan yahay ay tahay in xarun booliis oo u dhow laga heli karo.

Xoghaye Cumar Ibraahim, ayaa sheegay in baahida haatan keentay in xarun booliis laga dhiso xaafadda ay tahay mid guud oo mar hadduu ganacsi ballaarto ay muhiim tahay in amni adagna la helo.

Sidoo kale Xaruntan booliiska ayaa lagu wadaa in dhawaan dhismaheeda si rasmi ah loo bilaabo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post