936 Views

Mareykanka oo shaaciyay in Muwaadiniintiisa kala baxayo Somalia

Mareykanka oo shaaciyay in Muwaadiniintiisa kala baxayo Somalia
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 09  2020–Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Muwaadiniinteeda ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ay kala baxeyso.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ku leedahay Muqdisho ayaa lagu sheegay in Muwaadiniintooda kala baxayaan Soomaaliya, sababo la xiriira Cudurka halista ee Coronavirus oo kiisas aad u badan laga helay dalka.

Safaaradda ayaa ku dhawaaqday in Muwaadiniinta Mareykanka Somalia laga daad-gureyn doono 14-ka bishaan May, iyagoona ka dhoofi doona Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Sidoo kale Safaaradda Mareykanka ayaa heshiis la gashay Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines, kaasi ah oo ku aadan in duulimaad gaar ah ay u sameeyo Muwaadiniinta joogta dalka.

Ugu dambeynta Muwaadiniinta Mareykanka ee laga qaadayo dalkeena ayaa waxaa si toos looga dejin doonaa Gobalka Virginia dalkaas, iyagoo sii mari doona Addis Ababa.

Dowladda Turkiga ayaa kal horey muwaadiniinteedka kala baxday Soomaaliya, sababo ku aadan Cudurka halista ah ee Coronavirus oo dad ku dhow 1000 qof laga helay gudaha dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment