816 Views

Puntland oo War Cusub kasoo saartay colaada Gobolka Mudug

Puntland oo War Cusub kasoo saartay colaada Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 10 , 2019 | QOL |   –Dowlad Goboleedka  Puntland ayaa  baaqnabadeed kasoo saaray cooladda kasoo cusboonaatay aaga degmada Tawfiiq ee gobolka Mudug,taas oo u dhaxeysa laba maleeshiyo Beeleed.

 

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland ay ka walaacsan tahay colaada gobolka Mudug,isla markaana ay ku baaqeyso in si deg deg ah loo joojiyo.

 

 

 

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland ay u digeyso dadka ka qeyb qaadanaya hurinta Colaadaas,iyada oo sidoo kale Odayaasha iyo Culima’udiinka Gobolka Mudug ugu baaqday inay ka qeyb qaataan joojinta colaada iyo ilaalinta deegaanka.

 

Dgaalkii shalay markale labada maleeshiyo Beeleed ku dhex-maray duleedka degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen in ka badan 20 Ruux.

 

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Madaxtooyada Puntland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment