453 Views

Shahaado siinta Xildhibaannada labada Aqal oo weli ka socota Muqdisho

Shahaado siinta Xildhibaannada labada Aqal oo weli ka socota Muqdisho
____________________________________________________________________________

Guddiga doorashooyinka Heer federaal ayaa waxaa ay weli magaalada muqdisho ka wadaan Shahaado siinta xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo soo bilaawday laabdii Bishaan.

Guddiga ayaa ilaa iyo hadda shahaadada siiyay ilaa ku dhawaad 210 Mudane, waxaana Maanta Xildhibaannada ugu horreeya ee Shahaadada rasmiga ah qaatay kala yihiin Faadumo Ismaaciil Xuseen oo kusoo baxday kursiga Hop#242 iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ( Sanyare) oo loo doortay kursiga Hop# 199.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer federaal ayaa sii wadi doona Shahaado siinta Xildhibaannada, waxaana qorshuhu yahay hadii aan wax isbedelin in Maalinta Khamiista ah ee taariikhdu ku beegan tahay 14 Bisha Apriil in la dhaariyo Xildhibaannada Shahaadada qaatay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post