591 Views

Dibad baxyo waa weyn oo ka dhacaya Dalka Ruushka

Dibad baxyo waa weyn oo ka dhacaya Dalka Ruushka
____________________________________________________________________________

Axad: March 6, 2022

Ku dhowaad afar kun oo qof, ayaa lagu xirey mudaaharaadyo loogga soo horjeedo dagaalka socda, oo ka dhacey guud ahaan Ruushka Axaddii, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda bani’aadamka iyo mas’uuliyiinta Ruushka.

Illaa iyo 1,700 oo qof, ayaa lagu xirey magaalada Moscow oo kaliya, sida ay ku warantey wakaaladda wararka ee RIA, iyadoo soo xiganeysa wasaaradda arrimaha gudaha.

Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha OVD-Info, ayaa sheegtay in xir xiritaanka ay ka dhacdey 53 magaalo.

Inkasta oo ay mudaaharaadyadu noqdeen kuwa si isa soo taraysa loo xadidayo sanadihii u dambeeyey, haddana isu soo baxyo badan, ayaa ka dhacey guud ahaan Ruushka, tan iyo markii uu bilawdey duullaanka Ruushka ee dalka Ukraine.

11-kii maalmood ee lasoo dhaafey, in ka badan 10,000 oo qof, ayaa lagu xirey iyagoo dhigaya mudaaharaadyo, sida ay sheegtay hey’adda OVD-Info.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post