957 Views

Antonio Guterres oo xil u Magacaabay Sarkaal kasoo Shaqeeyay Soomaaliya

Antonio Guterres oo xil u Magacaabay Sarkaal kasoo Shaqeeyay Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 17, 2020–Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa u Magacaabay Janeraal Kefyalew Amde Tessema Taliyaha cusub ee Ciidamada Nabad ilaalinta ee ku sugan Gobolka Abyee oo ay ku muransan yihiin Labada Suudaan.

Janeraal Kefyalew Amde Tessema ayaa mar ka Shaqeeyay dalka Soomaaliya, isaga oo noqday Taliye qeybeedka Ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya u jooga ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Gobolka Abyee oo ay ku murnsan yihiin labada Suudaan ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo ay kamid yihiin Ciidamo ka socda Itoobiya maadaama ay Soohdin la leeyihiin Suudaan.

Janeraal Kefyalew Amde Tessema ayaa waxaa uu kamid yahay Guddiga difaaca Itoobiya gaar ahaan waaxda Injireeniyada iyo dajinta qorshaha Ciidamada ee Wasaaradda Gaashaandhigga,waxaana uu kamid yahay saraakiisha Qibrada Ciidanimo leh ee dalka Itoobiya.

Sanadkii 2015 madax ka noqday qaybta hoggaaminta howlgalada ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loosoo gaabiyo AMISOM,waxaana Shaqada hadda loo dhiibay ay tahay mid adag oo u dhaxeysa labada Suudaan ee kala Go’ay

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post