714 Views

Maamulka Biden oo sheegaya inuu billaai doono in Maraykanka ay ogoladan kumannaan qof oo ku xayiran dalka Mexico.

Maamulka  Biden oo  sheegaya inuu billaai doono in Maraykanka ay ogoladan kumannaan qof oo ku xayiran dalka Mexico.
____________________________________________________________________________

 

Sabti 13/2/2021

madaxweyne Biden ayaa sheegaya inuu billaabi doono in si tartiib tartiib ah ay Mareykanka u soo galaan kumannaan qof oo magangalyo doon ah oo haatan ku xayiran dalka Mexico.

Waxa uu sheegay in laga billaabo usbuuca soo socda uu ka hawlgali doono codsiga 25,000 oo qof oo dacwaddooda magangelyo doonka ay haatan diyaarka tahay.

Dadka magangelyo doonka ahi ayaa marka hore waxaa laga rabaa inay isa soo diiwaan geliyaan oo ay soo maraan baaritaanka cudurka Covid-19, ka hor inta aan loo ogolaan in ay ka soo tallaabaan xudduudda.

Tallaabadan ayaa lagu doonayaa in lagu laalo siyaasadihii sida weyn loo dhaliili jiray ee madaxweynihii hore ee dalkaasi Donald Trump.

Trump ayaa sanadkii 2019 meel-mariyay sharci dadka megengalyo doonka ahi ka hor istaagayo in ay soo galaan gudaha dalka Mareykanka.

Sharcigan ayaa dhigayay in muhaajiriinta magangelyo doonka ahi ee ka soo tallaabaya dhanka xudduudda koonfureed ay ku sii hakadaan Mexico, inta dacwaddooda ay go’aan ka gaarayaan maxkamadaha arrimaha socdaalka ee Mareykanka.

Balse maalintiisii ugu horreysay ee uu xafiiska la wareegay ayaa madaxweyne Joe Biden wuxuu laalay sharcigaasi.

Masuuliyiinta Mareykanka ayaa sheegaya in dadka magangelyo doonka ahi loo ogolaan doono in ay gudaha u galaan Mareykanka balse ay tahay in marka loo baahdo ay yimaadaan maxkamadaha ku yaal magaalooyinka ay ku wajahan yihiin.

Magaalooyinka xadka ku yaal ee ay ku xayiran yihiin dadka muhaajiriinta ahi ayaa waxaa haatan ka jira falal dambiyeedyo baahsan.

Waxaana sanadkii la soo dhaafay, hay’adda samafalka ee Human Rights First ay sheegtay in “qoysaska la soo celiyay, carruurta iyo dadka waaweyn la geynayo xeryo ay ka jirto xaalado aad u halis ah oo dad badan ay ku wajaheen afduub, weerar, tacaddi galmo, hanjabaad iyo dhaibaatooyin kale”.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post