1218 Views

Al-shabaab oo dil ku fuliyay 5 ruux oo ay ku sheegeen Basaasiin u shaqeeya Reer Galbeedka..

Al-shabaab oo dil ku fuliyay 5 ruux oo ay ku sheegeen Basaasiin u shaqeeya Reer Galbeedka..
____________________________________________________________________________

3-da Marso, 2021

Wararka ka imaanaya  magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe  ayaa sheegaya in alshabaab ay halkaas ku toogteen ku dhawaad 6 qof oo ay ku sheegeen in ay galeen Danbiyo kala Duwan.

Fagaaraha ay toogashadan ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka mid ah dagaalamayaasha Alshabaab iyo dadweynaha ku nool magaalada Jilib.

Maxkamada Alshabaab ayaa ku heshay shanta ruux oo dhammaantood rag ahaa inay la shaqeynayeen diyaaradaha droneka ee duqeymaha ka fuliya deegaanada ay ku sugan yihiin ururka Alshabaab.

Magacyada dadkan lagu toogtay magaalada Jilib ayaa lagu kala sheegay; Abuukar Xasan Maxamed,Xasan Maxamuud Maxamed (Xasan dheere ), Mahad Cabduqaadir Aadan “Mahad Qaadoole”,Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan,Macalin Abuukar Maxamed Calasow oo ahaa Nin Oday ah oo jiray da’ada 63.

Sidoo kale Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa waxa ay hore xukuno dilal ah ugu fuliyeen dad lagu eedeeyay inay u basaasayeen dowlada federalka iyo dowlada Maraykanka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post