807 Views

Deni oo la kulmay M/ku xigeenka Jubbaland iyo Xildhibaanno

Deni oo la kulmay M/ku xigeenka Jubbaland iyo Xildhibaanno
____________________________________________________________________________

Sabti: May 7, 2022

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo tiro kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta ayaa iska xog warreystay Xaaladda guud ee dalka gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka, xilli 15 bishaan lagu wado in ay qabsoonto Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qayb galay Xildhibaanada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Saciid Deni waa Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya afarta sano ee soo socota, isaga oo Olole arrintaasi ku aadan ka wada magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post