1107 Views

Howlgallo Ka Dhan Ah Al-Shabaab Oo Laga Sameeyey Gobolka Gedo

Howlgallo Ka Dhan Ah Al-Shabaab Oo Laga Sameeyey Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 10,, 2019  –Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ururka 49-aad, Guutada 10-aad qeybta 43-aad ayaa howlgallo baaxad leh ka sameeyay degaanno ka tirsan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Howlgalladan ayaa intii uu socday waxaa Ciidamada kula wareegeen degaanno badan oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Taliyaha Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybtiisa 43-aad, Dhamme, Cali Maxamed Xasan, ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka saareen degaannada ku xeeran Baardheere ee dhaca Webiga labadiisa geddi.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in howlgalladan ay soo socdeen illaa Tobadkii dambe ee Bisha ramadaan, iyagoo Al-shabaab ka saaray masaafo gaareysa 35 km oo isku weer ah, halkaas oo ay shabaabku ku sugaanyeen.

Tuulooyinka Bakal, mataanaha iyo Buurweyn, oo ah goobihii ugu dambeeyay ee Al-shabaab lagala wareegay ayuu sheegay taliyuhu in ay Shacabka halkaasi ku dhaqan aad usoo dhaweeyeen.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment