891 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay 15 Safiir

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay 15 Safiir
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay Safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay Danjire Maxamed Gad.
labada dbinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen howlaha Ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ee Somalia iyo xoojinta Iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Xubnaha Wafdiga Midowga Afrika ee shalay soo gaaray Muqdisho ayaa horay ula kulmay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuus, iyaga oo kala hadlay xaaladda Mustaqbalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Sidoo kale Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa la filayaa inay la kulmaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo mas’uuliyiin kale.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post