1017 Views

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka oo dhoolatus ku Sameeyay Taalada Daljir Dahsoon.

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka oo dhoolatus ku Sameeyay Taalada Daljir Dahsoon.
____________________________________________________________________________

Feb: 18/2/2021

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa hadda gaaray goobta uu ka dhacayo banaanbaxa weyn ee maalinta berri ah ay iclaamiyeen ee Taalada Daljir Dahsoon.

Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif iyo dhamaan Musharaxiinta ku midoobay Golaha Mucaaradka oo ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdikariin Guuleed ayaa socod ku maraya Taalada Daljira.

Musharaxiinta oo ay galbinayaan gawaadhi gaashaman iyo ciidamo badan ayaa socod kusoo kormeeray Taalada Daljirka Dahsoon oo ah goobta uu berri ka dhacayo banaanbaxa weyn ee ay iclaamiyeen, xili ay dowladda soo saartay go’aamo lagu xakameynayo isku-imaatinka dadweynaha.

Inta ay Musharaxiinta ku gudo jireen kormeerkan ayaa waxa warbaahinta la hadlaya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka, wuxuuna sheegay in maalinta berri ay tahay maalin taariikhiya oo shacabka ku cabirayaan dareenkooda.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in banaanbaxa Jimcaha uu yahay mid nabdoon oo lagu dalbanayo doorasho wada-ogol, islamarkaana ay tahay in ciidamada amaanka ayna carqaladeyn, oo aysan u arkin qal-qal gelin amni, sida uu sheegay.

“Madaxweynaha waqtigiisa waa dhamaaday maanta wixii ka dambeeya wuxuu kamid yahay Musharaxiintaas, cid colaad gaar ah u qabta ma jirto ee laakiin waxaa rabnaa sharciga in aan wada ilaalino,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray “Madaxweyne waqtiga waa ka dhamaaday waxaa rabnaa doorasho in la aado, waxaa la aamisan yahay in doorashada adiga caqabad ku tahay ka hor leexo, mudahaaraadkan ujeedadiisu waa intaas”.

Sidoo kale waxa uu ku cel-celiyay in banaanbaxa berri ka dhacaya Taalada Daljirka Dahsoon uu yahay mid lagu dalbanayo in madaxda uu waqtigooda dhamaaday si dhab ah ugu diyaar garooban doorasho, islamarkaan uu dalka aado doorasho wada-ogol ah.

Si kastaba, kormeerkan deg-deg ah ayaa imanaya xili ay dhawaan Musharaxiint Mucaaradka ay iclaamiyeen banaanbaxaas, waxaana qaban-qaabadiisa si weyn looga dareemaya magaalada Muqdisho,

office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post