804 Views

Shirkadda dawooyinka Jarmalka oo shaacisay inay soo saareyso tallaalka duumada ama malaariyada

Shirkadda  dawooyinka Jarmalka oo  shaacisay inay soo saareyso tallaalka  duumada ama malaariyada
____________________________________________________________________________

Talaado: july 27 2021

Shirkadda soo saarta dawooyinka ee BioNtech oo laga leeyahay Jarmalka ayaa shaacisay inay soo saareyso tallaalkii ugu horeeyay ee xanuunka duumada ama malaariyada, iyagoo adeegsanaya tiknoloojiyadda ay ku soo sareen tallaalka looga hor tago fayraska Corona.

Shirkadda ayaa tijaabada tallaalkan bilaabi doonta sanadka soo aaddan.

Tiknoloojiyadda MRNA, ayaa si sahlan u soo saarta tallaalada, waxayna qeyb weyn ku leedahay dhanka wax soo saarka tallaalada kala duwan.

Shirkadda BioNTech iyo shirkadda ay is kaashadaan ee Phizer, ayaa tallaalkooda Covid-19 ku soo saaray muddo ka yar hal isbuuc.

Shirkadda ayaa haatan dooneysa inay soo saarto tallaalka xanuunka Malaariyada iyadoo adeegsaneysa tiknoolojiyaddan.

In ka badan 400,000 oo qof ayaa sanad walba u geeriyooda xanuunka Malaariyada, kuwaas oo badankood ay yihiin carruurta ku nool wadamada Africa ee saxarada ka hooseeya.

Waxaa jira kaliya hal tallaal oo cudurka duumada oo la ansixiyay. Soo saaristiisa ayaa waxay seynisyahanada ku qaadatay in ka badan 30 sano, wuxuuna wartarkiisu yahay boqolkiiba 30 oo keliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post