255 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo Mareykanka kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweynaha Jubbaland oo Mareykanka kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay safiir ku xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Tim Trenkle oo safar shaqo ku tegay Jubbaland.

Kulanka oo sidoo kale ay ka qeybgaleen Wasiirada Qorshaynta, Amniga, Arimaha gudaha iyo Madaxtooyada ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dagaalka dib loogu xoraynayo deegaanada Jubaland oo howlgalo isbada joog ah ay ka wadaan Ciidamada Jubbaland.

Sidoo kale Waxaa Kulanka lagaga hadlay xasilinta deegaanada la xoreeyay  iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas aasiga ah bulshada ku nool deegaanada la xoreeyay.

Waxaa kale oo Kulanka lagaga hadlay arimaha gargaarka iyo sidii xal waraa loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah isla markana loogu caawin lahaa dadka dhibanayaasha u ah sidii ay uga soo kaban lahayeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post