1125 Views

Wasiir Sabriye oo ku wajahan Dhuusamareeb & u jeedkiisa

Wasiir Sabriye oo ku wajahan Dhuusamareeb & u jeedkiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October16–2019 —Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug inay tagaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

 

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay la kulmi doonaan hoggaanka ugu sareeya ee Ahlusuna waljamaaca, iyaga oo kala hadli doona sidii loo fulin lahaa balanta dowladda looguna qori lahaa Ahlusunna Xubnaha loogu darayo Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug.

 

 

 

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in markii ay wada-hadallada isku afgartaan wasiirka Arrimaha Gudaha iyo hoggaanka ahlusunna uu wasiirka dib ugu soo laaban doono Muqdisho kuna dhawaaqi doono xubnaha Ahlusunna loogu daray guddiga.

 

Hoggaanka Ahlusunna ayaa dhawaan kasoo horjeestay Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya,iyaga oo sheegay in Xubnahaa Guddiga ay kamid yihiin Shaqaalaha dowladda.

 

Hayeesshee Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaawday dadaalo lagu xalinayo tabashada Ahlusunna,isla markaana 4 ilaa 5 xubnood oo ka socda Ahlusunna Guddiga lagu kordhinayo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment