1638 Views

Dowladda Ingiriiska Oo Saldhig Millatari Ka Sameysan Doonta Deegaanada Soomaaliland

Dowladda Ingiriiska Oo Saldhig Millatari Ka Sameysan Doonta Deegaanada Soomaaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 09, 2019 —Arrintan ayaa soo shaac baxday, kadib, markii uu Xoghayaha Difaaca ee dalka Britain,Gavin Williamson dhawaan booqday magalladda Hargeysa, oo uu Kulan kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Kulankaasi waxaa looga wada hadlay qaabka loo xoojin karo xiriirka Britain iyo Somaliland, iyadoo ay Britain horey u gumeysan jireen Somaliland oo ku taalla W/Galbeed ee Somalia.

Warar ayaa waxay sheegayaan inay Britain doonayso inay  Saldhig Milliteri ku yeeshaan Geeska Afrika, wuxuuna Socdaalka Xoghayaha Difaaca  Britain, Gavin Williamson ku tegay Somaliland ku soo beegantay hal isbuuc kadib, markii uu sheegay inay Britain doonayso inay Saldhigyo Milliteri oo cusub ka dhistaan dalalka Caalamka, marka ay Britain ka baxdo Ururka Midowga Europe.

Dhinaca kale, Dowladda Raashiya waxay bishii April ee sannadkii hore shaacisay hamigooda ku aadan inay Saldhig Ciiddanka Badda ah ka dhistaan magaalladda Saylac ee Somaliland.

Wafdi Raashiyaan ayaa la kulmay Maamulka Somaliland, si loo hirgeliyo Saldhigaasi oo la dejin doono 1,500 Askar Raashiyaan ah, si ay taageero u siiyaan Maraakiibta Dagalaka iyo Gujisyadda Raashiya eek a hawl-gala Badda Geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, Milliteriga Imaaraadka Carabta  waxay Saldhig Milliteri ka dhisanayaan magaalladda Berbera, wuxuuna Saldhigaasi si rasmi ahaan u hawlgeli doonaa bisha June ee sannadkan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment