231 Views

Qorshe la doonayo in dugsiyada qaar ee Koofur Afrika looga sameeyo musqulo ay wada gali karaan wiilasha iyo Gabdhaha

Qorshe la doonayo in dugsiyada qaar ee Koofur Afrika looga sameeyo musqulo ay wada gali karaan wiilasha iyo Gabdhaha
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 16, 2022

Koox koofur Afrika ah ayaa bilowday codsiay kaga hortagayaan qorshe ay wadato waaxda aqoonta asaaasiga ah si looga sameeyo dugsiyada musqulo ay wada isticmaalaan ragga iyo dumarka oo aan midna u gaar aheyn.

Codsigaas ayaa waxaa saxiixay in ka badan 60,000 qof.

“Muqqulaha waa kuwo gaar ah soo jeedinta ah in wiilasha iyo gabdhaha ay wadaagaan waxay keeni doontaa dhibaatooyin bulsho oo fara badan”.

Qorshahaa waxaa si hoose loogu soo gudbiyey warar laga helay waaxda aqoonta asaasiga ah kuwaas oo ka kooban soo jeedin la xiriirta in la burburiyo magac u yaalada gaarka ah ee dhinaca jinsiga .

Mid ka mid ah xisbiyada Mucaaradka The National Freedom Party (NFP),ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso waxyaabaha qaladka ah balse taas ay ka hobboon tahay in ay diiradda saarto hagaajinta hannaanka waxbarasho ee Koofur Afrika ..

Democratic Alliance, xisbiga mucaradka ee ugu dalkaa ayaa sheegay in haddii la hirgaliyo qorshahaas uu wax ka tarayo kala duwanaanshaha dhinaca jinsiga , sida uu sheegay afhayeenkooda gobolka Western Cape Lorraine Botha.

Ururka ay leeyihiin macalimiinta Xirfadleyaasha ee Koofur Afrika , The National Professional Teachers Organisation of South Africa (Naptosa) ayaa u soo jeediyey macalimiinta iyo waalidkain ay la tashiyo sameeyaan inta aan la hirgalin qorshahan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post