2115 Views

Xukuumadda Somalia Oo Amar Ku Soo Rogtay Diyaaradaha Ka Soo Dega Garoomada Soomaaliya

Xukuumadda Somalia Oo Amar Ku Soo Rogtay Diyaaradaha Ka Soo Dega Garoomada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 18, 2018 —Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Garoomada Soomaaliya ku yaalla aysan ku soo degi karin Diyaarad aan fasax ka heysan Dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay wasiirka in diyaaradii fasax ka heysata Dowladda Soomaaliya,isla markaana shuruudaha ka soo baxda ay ku degi karto.

“Diyaaradii ogolaansho ka heysata Dowladda Soomaaliya kaliya ayaa garoomada Soomaaliya ku degi karta diyaaradii aan ka heysan oo aan shuruudihii loo baahnaa soo buxun kama degi karto.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo inta badan gacanta ku haaya Garoomada Soomaaliya.

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment