285 Views

Putin oo digniin bixiyay xilli uu xaqiijiyay duqeymaha saaka lagu garaacay Ukraine

Putin oo digniin bixiyay xilli uu xaqiijiyay duqeymaha saaka lagu garaacay Ukraine
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 10, 2022

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa xaqiijiyay duqeymaha saaka lagu garaacay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Ukraine.

Putin wuxuu sheegay in gantaallada riddada dheer lagu garaacay xarumaha tamarta, militeriga iyo isgaarsiinta.

Putin wuxuu wacad ku maray in uu qaadi doono tallaabo adag oo jawaab u ah inay ficilo ‘argagixiso’ oo kale oo laga geysta dhulka Ruushka.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo Golahiisa amniga si ay uga wadahadlaan qaraxii lala beegsaday buundada isku xirta Ruushka iyo Crimea, wuxuu ku eedeeyay in Ukraine ay ka dambeysay weerarkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post