3840 Views

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku siijeeda Boqortooyada Sacuudiga

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku siijeeda Boqortooyada Sacuudiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 26 October, 2015: Madaxweynaha jamhuuriyadda iyo wafdi ballaanran oo uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda  ay ka Amba-baxaan dalka, iyagoo ku sii jeeda Waddanka Boqortooyada Sacuudiga.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo sida loo xoojin lahaa.

Sida aanu ku helayno Wararka Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud Waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi xayir Maareeye iyo wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim  Farkeeti Iyo mas’uuliyiin kale.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Waddanka Boqortooyada Sacuudiga  Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ay muhiim tahay in  Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ay ka wada hadlaan Xoojinta Xiriirkooda iyo iskaashi Dhexmara labada waddan.

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda  Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa horay u joogay Waddanka Boqortooyada Sacuudiga.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment