405 Views

Dhalmada Dumarka oo yaraatay Yurubta Galbeed xilligii Xayiraadda Covid 19

Dhalmada Dumarka oo yaraatay Yurubta Galbeed xilligii Xayiraadda Covid 19
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 15, 2022

Yurub ayaa lakulantay 14% hoos u dhac dhinca dhalmada ah bishii Jannaayo 2021 kii marka loo barbardhigo sanadkii ka horreeyey – Hoos u dhacaas waxaa la qiyaasayaain uu ka dhashay maowjadihii ugu horreeyey EE cudurka Covid -19 , sidaasna waxaa lagu sheegay cilmi baaris la sameeyey .

Jannaayo 2021 waxay aheyd sagaal ilaa toban bilood ka dib markii la soo rogay xayiraadda Covid-19.

Markii xayiraaddu dheeraatay waxay arrintani keentay in uur qaadista dumarku ay yaraato, sida cilmi baaristu sheegtay .

Hoos u dhacaas wuxuu ahaa mid caam ah siiba dalalka hannaankooda caafimaad uu dhibaatada ku jiray

Romania iyo Lithuania ayaa lagu arkay hoos u dhicii uurka ee ugu badnaa waxaana lagu qiyaasay28% iyo 23%halka Sweden oo aan xayiraad ka jirin dumarku si caadi ah u dhalayeen sida lagu xusay waxyaabo la ogaaday oo lagu daabacayj oornaalka Human Reproducton .

Cilmi baarayaasha ayaa sheegaya in arrintaa ay ka dhalian karaan cawaaqib gaar ahaan dalalka Yurubta Galbeedoo ay ku badan yihiin dadka da;da ah

“Markii xayiraaddu dheeraatay waxaa yaraaday uurkii dumarka xilligaas ayey ka dhacday xitaa dalalkii aanu sda xun u saameynin cudurka “ sidaas waxaa sheegay Dr Leo Pomar oo Umuliso ka ah Isbitaalka Jamaacadda Lausanne oo qoray Daraasadda .

“ waxay nala tahay in cabsidii laga qaaday cudurka siiba kuwa caafimaadka iyo walaasyadii bulshada ay ka dambeeyeen in si aan toos aheyn ay u saameeyaan go’aanadii lammaaneyaasha ee ahaa in ay dIb u dhigaan uurka “ ayaa warbiixnta lagu yiri

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post