1050 Views

Isbaheysi ka dhan ah Dowladda oo Kismaayo looga dhawaaqayo

Isbaheysi ka dhan ah Dowladda oo Kismaayo looga dhawaaqayo
____________________________________________________________________________

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ku sugan xubnihii ugu badnaa oo kamid ah mucaaradka dowladda Federaalka,kuwaas oo ka qeyb-galaya xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

 

Ka socokoow munaasabada Caleema saarka qaarkood waxaa ay sheegeen in kaliya caleema saarka aysan u tegin kismaayo,balse ay jiraan qorshooyin kale oo siyaasadeed iyo in isbaheysi looga dhawaaqo Kismaayo.

 

 

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh axmed ayaa markii uu shalay tegay Kismaayo sheegay in xaflada caleema saarka kaliya balse ay sameysanayaan kulamo wadatashi ah,kadib walaac ay ka qabaan xaalada dalka.

 

Ka sokow hadalka Sheekh Shariif ayaa waxa jiray kulamo siyaasadeed oo xalay ka bilaawday Kismaayo,kuwaas oo u dhaxeeya madaxdii hore ee dalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada dalka oo uu kamid yahay C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

 

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed oo la hadlayay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa shegay in madaxda Kismaayo timid inay ka tashanayaan mowjadaha Siyaasadeed ee kajira dalka Soomaaliya xilligaan iyo mustaqbalka Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay in Madaxda kaliya aysan u imaan xaflada Caleema-saarka,hayeeshee ay jiraan kulamo kale iyo in ay sameystaan madaxda Isbaheysi ay ku midoobaan si looga gudbo mushkiladaha ka taagan guud ahaan dalka.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ay mowjado siyaasadeed oo culus kala kulmeysaa siyaasiyiinta tegay Kismaayo,hayeeshee waxaa xusid mudan in afartii sano marba xilliyada ay soo dhow yihiin doorashooyinka ay  soo baxaan Siyaasiyiin kale dan ah,balse ku midooba isbaheysi si ay ula tartamaan madaxda xilka heysa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment