1128 Views

Col: Liibaan Madaxweyne oo sheegay inuu ka bad baaday isku day dil.

Col: Liibaan Madaxweyne oo sheegay inuu ka bad baaday isku day dil.
____________________________________________________________________________


khamiis: September 16, 2021

Col Liibaan Madaxweyne oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Militariga Soomaaliya oo la hadlaysaxaafada ayaa tilmaamay in weerarkaasi uu soo abaabulay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir farxaan Qaroole islamarkaana uu ka bad baaday dilkaasi loo soo maleegay.

Wuxuu intaa ku daray Liibaan in labo askari midna uu ka dhaawacmay midna looga dilay oo ilaaladiisa ahaa dagaalka intii uu socday. isagoo sheegay inuu iska difaacay weerarkaasi lagu qaarajin rabay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in cadeymo u hayo weerarkaasi uu kusoo qaaday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole islamarkaana uu ka dambeeyey weerarka.

Sdoo kale Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle C/fitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay goobta ayaa sheegay in maleeshiyaad ay ahaayeen ciidankii iska hor imaadka xooganaa ku dhexmaray isgoyska Banaaddir

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post