1170 Views

Taliyaha Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Koofi tan iyo markii uu shaqada la wareegay Pasaporka Somaliga maxaa ku soo kordhay, Sawiro..

____________________________________________________________________________

Qiimayn la sameeyay waxa ay tilmaameysaa ayaa in baasaboorka Soomaaliya uu soo ceshanayo xushmadii iyo sharaftii uu caalamka ku lahaa, waxaanna ay ku timid shaqo ku dhisan hufnaan, karti iyo aqoon ay ku shaqeysay hay’addaasi dhowrkii sanno ee ugu dambeeyey.

Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Col: Maxamed aadan [Koofi] ayaa u dhabar adeegay in mar kale uu Pasaporka Somaliga ah uu caalamka Qiimo ku yeesho, taasi oo sababtay in uu safar ku baxsho dalal badan oo caalamka ah, uuna ka dhaadhiciyo in Pasaporka Somaliga ah uu haatan yahay Digital la iskuna halayn karo. Dhinaca kale koofi ayaa waxa uu gaarsiiyay Pasaporka Somaliga, qiimo maadaama uu ka mid ahaa Pasaporada ugu hooseeya caalamka, waxaana haatan uu marayaa in uu Afrika ka Noqdo kuwa dhex dhexaad ah. Pasaporka Somaliga ayaa waxaa Xiligaan lagu tagi karaa ku dhawaad 40- Dal oo caalamka ah, taasi oo sabab u ah dadaalkii ay Sameeyeen Laanta Socdaalka oo uu Madax u yahay Taliye Col Maxamed aadan koofi, iyo howshii ay bilaabeen Madaxdii ka horeysay, oo uu ka mid ahaa Jeneraal Gaafow oo horay u ahaa Taliyihii ka Horeeyyay Koofi.

1

0-kii Sano ee la soo dhaafay xataa laguma tagi Karin Pasaporka Soomaliga 20 dal oo ka mid ah caalamka, xataa dalalka Afrika qaarkood ayay aad u adkayd in Pasaporka Somaliga aad ku hesho Visaha on-Arrival. Waxa uuna haatan Noqday mid ka duwan Sanadihii hore Pasaporka Somaliga. Sidoo kale dadka soomaaliyeed ayaa aad ugu faraxday Warkaan Hididiilada leh ee Soo baxay oo ku aadan Qiimayn fiican uu yeesho Pasaporka Somaliga ah. Guushaan u soo hoyatay Umada Soomaaliyeed ayaa waxaa Hana qaadkeeda Mas;uul ka ah Taliye Col Maxamed aadan koofi, iyo shaqaalaha Hay’ada oo u dhabar adeegay sanadihii la soo dhaafay, kuwaas oo hela Tapaparo ka wanaagsan iyo tayeyn ka duwan Xiliyadii hore.

Tan iyo Markii la Magacaabay Maxamed aadan Koofi in uu Noqdo Taliyaha Laanta Socdaalka, oo Madaxda Dalka u arkayeeen in uu yahay Nin dhalinyaro ah oo wax badan ku soo kordhin kara, horay u socodsiinta xaalada Dalka gaar ahaan laanta Socdaalka ayaa waxaa mesha ka muuqata in uu ka dhabeeyay Koofi Rajadii Madaxda Qaranka iyo tii Umada Soomaaliyeed ay ka sugayeen, waxaana lagu tillaami karaa in Madaxa laanta Socdaalka uu ka Rumeeyay Rajadaas iyo Xilkaas loo dhiibay, uuna ku amaananyahay arintaas asaga iyo shaqsiyaadkii gacan qabtay.

Taliye koofi ayaa markii uu xilka la Wareegay Waxa uu si gaar ah dar dar u galiyay in uu Xarumo ka furo xuduudaha Dalka, in uu Gobolada Dalka gaarsiiyo shaqada laanta Socdaalka oo aan Xiligaas an gaarsiisaneen Meesha ay haatan taagan tahay, waxaana Pasaporka Somaliga laga heli jiray oo kaliya Muqdisho, taasi oo Taliye koofi is tusay in ay Tahay in deegaan kasta ay somali leedahay uu Xaq u leeyahay in laga Helo Pasaporka.

Howsha Culus ay qabatay laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha soomaaliya ayaa aad ugu amaanan, Taliye Maxamed aadan koofi, hosha Culus iyo dardarka Xoogan oo uu galiyay 4 sano ee la soo dhaafay Howlahaasi. Sidoo kale Guul kasta oo ay gaarto laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo uu hormuudka ka yahay Col Maxamed aadan koofi, waxaa gaaray Umada Soomaaliyeed balse waxaa guushaas hormuud u ah dadaalka xoogan ee Taliye Koofi. Maxamed aadan koofi ayaa mararka Qaar waxa uu kormeeraa sida ay u socoto shaqada, waxaana sawirada aan qaatay ka mid ah shaqaale imtixaan U gala laanta Socdaalka oo uu si kadis ah ku kormeeray Taliye Koofi, taasi oo Muujinaysa cadaalada iyo sinaanta shaqaalaha laanta Socdaalka oo ku soo baxa aqoon balse meeshya laga saaray Nin Tooxsi iyo waa ku aqaanaa, taasi oo u muuqata wadadiin cadaalada iyo Horumarka.

La soco Qeyb kale warbixintaan Cabdixakiin Cilmi Xasan +254-711830393 +254-795375731 Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post