2949 Views

Mas’uul Maanta loo magacaabay waaxda amniga iyo deriseynta G.Banaadir

Mas’uul Maanta  loo magacaabay waaxda amniga iyo deriseynta G.Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 07  August 2017—Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Agaasimihii hore ee waaxda amniga iyo deriseynta Gobolka Banaadir  Mahad Xuseen Axmed iyo Agaasimaha cusub ee loo magacaabay oo ah Zakiya Xuseen oo sidoo kale ah Gaashaanlle sare oo ka tirsan xoogga dalka.

Zakiya Xuseen oo ah Gabar qurbaha ka timid kuna biirtay Ciidanka ayaa xilkaa waxaa dhawaan u magacaabay Wasaaradda arrimaha gudaha kaddib soo jeedinta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Zakiya ayaa maanta xilkan si rasmi ah ula wareegtay waxaana ay ka mid noqotay  Haweenka ku jira Maamulka Gobolka Banaadir oo uu Guddoomiyaha cusubi tiro badan ka siiyay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment