2010 Views

RW Kheyre ”Waxaa jira Afku dhiiglayaal”

RW Kheyre ”Waxaa jira Afku dhiiglayaal”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 06, 2018 – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale ku Celiyay in ay laali doonaan dhammaan dhaqamada xun oo uu kamid yahay Musuq-maasuqa.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay inay la dagaalamayaan shaqsiyaadka ku sifoobay Musuqa iyo Khilaafka waxa uuna tilmaamay inaan loo dulqaadin Karin in laaluush la qaato.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horay u socoto, lana aqbali doonin, wax kasta oo dib u dhigaya, isagoo ku tilmaamay kuwa wada musuqmaaasuqa inay doonayaan in dib ay u dhigaan dalka.

Waxa uu sheegay inaan laga raali noqon doonin shaqsiyaad ka tirsan Dowlada oo ku mashquula qaadashada Laaluushka, kuwaasi oo uu sheegay inay ka sifeyn doonaan Xarumaha Dowlada…..

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, waxaana xusid mudan in xukuumadda  Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, ay kal hore ansixisay, xeerka la dagaalanka Musuq-maasuqa.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment